• About
  • Privacy & Policy
  • Advertise
  • Contact
Friday, May 9, 2025
Halqabsi News
  • HOME
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Business
  • Startup
  • Culture
No Result
View All Result
  • HOME
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Business
  • Startup
  • Culture
No Result
View All Result
Halqabsi News
No Result
View All Result
Home Opinion

Waaraaqdii Fahad Yasin: Madaxweyne Dharbaaxo Ragbey kugu Dirtaa ee Kaama Dhiciso

News Desk by News Desk
January 17, 2024
in Opinion
0
WARQADDA FAHAD YASIN OO DHAMAYS-TIRAN
22
SHARES
258
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mudane Madaxweyne,

Aqoonta aan kuu leeyahay, waxaan si buuxda u oran karaa inuu dhab kaa yahay dareenkaada iyo khudbadaha kala duwan ee aad jeedisay. Waxaan hubaa, inay run kaa tahay caadifaadaas. Marqaati ayaan u ahay, muddo xilaadkaadii koowaad in damac kasta laguu sheegay si aad tanaasul uga sameeyso qodobo taabanayey dhulka iyo badda Soomaaliya, maantana kalsooni taas lamid ah baan ku qabaa inaadan saxiixeynin wax taabanaya gobonnimada qaranka.

Mudane Madaxweyne,

Aqoonta kale ee aan kuu leeyahay waxay tahay inaad si saaid ah gaabis u tahay, go’aannadaadu jilicsan yihiin, culayska khudbadahaaga iyo cagajiidka tallaabo qaadkagana isma lahan. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa, dharbaaxo rag bey kugu dirtaa, ee kaama dhiciso.

Madaxweyne, hadallada aad ku khudbeysay, hadallo ka culus oo la oran lahaa majirto. Waxaad ku dhawaaqday kalmado dagaal oo duullaan hubaysan soo dadajin karay. Laakiin nasiib darro, diyaar garawgeedii kaama muuqdo.

Itoobiya waxaa u dhiman oo kaliya waa iney lugaha soo dhigto xeebaha Soomaaliya, oo ciidan iyo cudud keensato, intaan ogahayna gorshahaas waa u diyaarsanyahay, weyna ku dhaqaaqayaan, colkana ka hortag buu ku qurxanyahay.

Mudane Madadweyne,

Waxaan hawada kuu soo marinayaan tallaabooyinkan oo dhamaantood ka hortag ah.

1. Itoobiya si buuxda ugu jar xiriirka diblomaasi, sidaasna xiriirka ha u jarnado ilaa ay ka noqoneyso heshiiska aan dhaqangalka ahayn ee ay la gashay maamulka aan sharciga ahayn.

2. Ciidanka Itoobiya ee dalka jooga kuwooda ATMIS kamid ah iyo kuwooda aanan kamidka ahayn labaduba dalka ka saar, muddo ay dalka uga baxaanna u gabo. Haddii ay ka bixi waayaana, haloo aqoonsado, ciidamo gumaysi ku jooga dalka. Muddadaas loo qabtay iney dalka uga baxaan, waxaad raadsataa dalkii buuxin lahaa goobaha ay ka baxayaan, weyna jiraan wadamo diyaar u ah iney booskaas buuxiyaan.

3.  Dowladda inay qaado olole diblomaasiyadeed oo dalalka Afrika kusoo wareega oo ka dhaadhicaya in Midowga Afrika xaruunteeda laga raro Addis Ababa, bacdamaa ay ku xadgudubtay xeerarakii u dagsanaa ururka.

4. In hawada Soomaaliya laga xidho duulimaadyada diyaaradaha laga leeyahay ama ka diiwaan gashan dalka Itoobiya.

5. Dalalka aan walaalaha nahay sida Turkiya, Ereteriya iyo Masar waxaad lasoo gashaa iskaashi difaac, waxaadna dalka ka sisaa saldhigyo milatari si ay qayb uga nogdaan amniga gobolka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Mudane Madaxweyne,

Waxaad isku hallaysaa rabigaa iyo umaddaada, waxaadna ogaataa awoodaha aad leedahay iney ku filanyihiin difaaca dalka. Si sahal ah, baad uga hortagi kartaa damaca gurracan ee Itoobiya, waase haddii aad isku tashato.

Marna ha moodin taagero iyo xoog dibadda kaaga imanaya inuu joojin karo damaca waalan ee Abiy Axmed. Dunidu, mar walba, waxay oran doontaa xaaladda hala dajiyo, xitaa marka ciidanka Itoobiya ay xeebaha Soomaaliya yimaadaan oo ay qabsadaan.

Mudane Madaxweyne,

Naxariista calamka ha sugin, hana ku tashan ee waxaad sacabadaada ka buuxsan kartid iyo kaararka culculus ee gacantaada ku jira isticmaal oo daafac iyo duulaan ka dhigo.

Mudane Madaxweyne,

Marka gobonnimada dalka lagu soo xad gudbo waxaa qarsoomaya muxaafid iyo mucaarad. Sidaas awgeed, waxaan diyaar u nahay inaan ku garab galno, cadawga dalkana aad tusto dadkaaga oo midaysan. Waxaase khasab ah in la arko hogaamintaada oo leh karti ay ku uruuriso awoodaha kala duwan ee ku dhex duugan dadka Soomaaliyeed.

W/Q: Fahad Yasin

Previous Post

Somali Police Force Apprehends Suspects in Attack on South West State Footballers

Next Post

Why Somalia is on the Right Track

News Desk

News Desk

Related Posts

News

Puntland deploys disarmament forces to Garowe after security incidents

by News Desk
May 6, 2025
0

The Puntland government has announced...

Read moreDetails

Puntland leader to convene summit on Somalia’s future

Police Chief engages CID in reform-driven accountability meeting

HirShabelle President calls for renewed unity against terrorism

Somali Police Force reactivates construction command after 34 years

Puntland issues tough measures to curb youth smuggling and illegal migration

Next Post
Why Somalia is on the Right Track

Why Somalia is on the Right Track

  • Trending
  • Comments
  • Latest
Somali President’s Daughter Given Full Authority Over UAE Portfolio Raises Concerns of Political Nepotism

Somali President’s Daughter Given Full Authority Over UAE Portfolio Raises Concerns of Political Nepotism

March 25, 2023
Hargeisa Airport Struggles with Passenger Traffic Drop Amid Sool Conflict and Flydubai’s Shift to Mogadishu

Hargeisa Airport Struggles with Passenger Traffic Drop Amid Sool Conflict and Flydubai’s Shift to Mogadishu

March 28, 2023
Somalia and Cuba Rekindle Diplomatic Ties: A Fresh Era of Bilateral Cooperation Beckons

Al-Shabaab Announces Deaths of Two Kidnapped Cuban Doctors

February 17, 2024
Laascaanood Conflict: Is Oil Exploration the Driving Force?

Laascaanood Conflict: Is Oil Exploration the Driving Force?

March 31, 2023
UAE’s Controversial Military Investment in Somalia Raises Questions About Stability and Nation-Building

UAE’s Controversial Military Investment in Somalia Raises Questions About Stability and Nation-Building

0
NISA Intercepts Explosives, Safeguards Mogadishu’s Peace Park from Attack

NISA Intercepts Explosives, Safeguards Mogadishu’s Peace Park from Attack

0
Explosions in Dayniile District Target Commercial Areas

Al-Shabaab Targets Businessmen in Mogadishu, Defying Security Measures

0
Halqabsi News Website: Your go-to source for breaking Somali news in English

Halqabsi News Website: Your go-to source for breaking Somali news in English

0

Puntland deploys disarmament forces to Garowe after security incidents

May 6, 2025

Puntland leader to convene summit on Somalia’s future

May 5, 2025

Police Chief engages CID in reform-driven accountability meeting

April 30, 2025

HirShabelle President calls for renewed unity against terrorism

April 28, 2025

Recent News

Puntland deploys disarmament forces to Garowe after security incidents

May 6, 2025

Puntland leader to convene summit on Somalia’s future

May 5, 2025

Police Chief engages CID in reform-driven accountability meeting

April 30, 2025

HirShabelle President calls for renewed unity against terrorism

April 28, 2025
Halqabsi News

© 2023 Halqabsi News

Navigate Site

  • About
  • Privacy & Policy
  • Advertise
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • HOME
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Business
  • Startup
  • Culture

© 2023 Halqabsi News